Hay’adda shaqaalaha rayidka ha ee Puntland oo qaadday Imtixaan toos ah (Interview)

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaadday imtixaan toos ah ama (Interview) ee loogu tartamayey dhowr boos/jago oo ka bannaan qaybo kamid ah  hay’adaha dawladda ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda.

Boosaskaan oo aad u badnaa isla markaana dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyey la qaadayey imtixaanadooda ayaa si loo kala saaro dadkii isugu soo haray imtixaankii qoraalka ahaa waxaa lala yeeshay waraysiyo afka ah ama toos ah, taas oo lagu kala ogaanayey khibraddooda iyo waayo aragnimadooda la xiriirta shaqooyinka ay u tartamayaan.

Imtixaankaan tooska ah ayaa waxaa qaadayey guddi kala duwan oo loo xilsaaray inay ilaaliyaan bed-qabka imxaanka, dhowraanna kalsoonida bulshada, isla markaana ay daacad ka ahaadaan habsami usocodka imtixaanka.

Heerka shaqo ee boosaskaana ayaa isugu jirey  agaami waaxeeddo iyo Madaxqaybeeddo taas oo looga golleeyahay in la dar-dargeliyo hawlaha shaqo ee muhimka u ah  xarumaha dawladda.