Guddoomiye Jawaari oo Aqbalay Mooshinkii laga keenay kuna baaqay in cod lagu geliyo…

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gellinkii dambe ee maanta la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay inuu aqbalay mooshinka laga keenay, isgaoo sheegay inuu u u yahay diyaar in cod lagu kala baxo.

Prof. Jawaari ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay la soo geliyay baraha bulshada, kaasoo ahaa inuu is-casilayo, isagoo riyo ku tilmaamay hadalkaas.

“Waxaan ku imid cod, kaasoo aan ku qabtay xilka Guddoonka Baarlamaanka Somalia, haddii aan baxayana cod ayaa ku baxayaa,” ayuu yiri Prof. Jawaari ku yiri hadalkii uu siiyay warbaahinta.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Aqalka hoose ee baarlamaanka Somalia ayaa mar kale sheegay in ciidammo ay heystaan xarunta golaha shacabka. Wuxuuna ka dalbaday Xildhibaanada in muddo toban maalmood gudahood ah in codka mooshinka loogu qaado.

Dhanka kale, Hadalka kasoo yeeray Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan-waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada taagan ee khatarta gelisay hawlaha Dowladda Somalia, Waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod.

Ugu dambeyn, Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Jawaari ayaa u baahan si ay u ridaan Guddoomiye Jawaari 184-cod, taasoo ah arrin aan sahlaneyn oo u baahan olole la mid ah kii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

PUNTLAND POST