Saraakiisha Ciidamada DF oo sheegay inay 32 Al-shabaab ah ku dileen bartamaha Somalia

Baladweyne (PP) ─ Ugu yaraan 32 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay bartamaha Somalia 24-kii saac ee aynu kasoo gudubnay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Axmed Maxamed Tareerdisho oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa u sheegay Warbaahinta in dagaalkan khasaaraha badan dhaliyay uu yimid kaddib markii Al-shabaab ay shacabka deegaanka Maxaas kusoo rogeen canshuur.

“Waxaanu dilnay 32 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, kaddib dagaal aad u culus oo ka dhacay deegaanka 28-km u jira deegaanka Maxaas. Dagaalku wuxuu u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab oo dhinaca kale ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Col. Tareedishe.

Sidoo kale, sarkaalku ma sheegin khasaaraha dhankooda dagaalkaas kasoo gaartay, sidoo kalena lama oga khasaaraha shacabkii dagaalkaas qaybta ka ahaa kasoo gaaray.

Balse, goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta inuu dhacay dagaal socday muddo lix saacadood ah maalintii Sabtida, isla markaana ay arkeen dhimasho iyo dhaawac badan.

Kooxda Al-shabaab ayaan iyadu ka hadlin guusha ay ciidamada Dowladdu ka sheegteen dagaalka ka dhacay gobolka Hiiraan. Balse goobjoogayaasha ku sugan deegaankaas ayaa sheegaya in Al-shabaab looga adkaaday dagaalka.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa sannad walba lacago ay ugu yeerto Zako ka qaada Soomaalida xoolo dhaqatada ah, mana ahan markii u horreysay oo ay dagaalkaan ciidamada dowladda iyo shacab isku dhan ah iyo Al-shabaab.

PUNTLAND POST