Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo si diiran loogu soo dhaweeyay Bosaso

Soo dhawayntan oo ahayd mid si wayn looga dareemayay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari waxaana ka wada qayb qadanayay siyaasiyiinta, Odayaasha dhaqanka, Waxgaradka, haweenka, dhalinyarada, Culima’udiinka Aqoonyahanada, Barayaasha Jamacadaha iyo iskuulada Maamulka Gobalka Bari, kan Degamada Boosaaso, Wasiiro ka tirsan Puntland iyo ardayda wax ka barata Boosaaso.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaje Cabdilahi Markii uu ka soo degay Madaarka Diyaarahada Boosaaso waxa uu mid mid u gacan qaaday bulshadii soo dhawayneysay qaybaheeda kala duwan, iyagoona ugu
hambalyeeyay ka mid noqoshaqa Isimada dhaqanka Gobalka Bari.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa dhawaan loo Caleemasarayaa Booskii Aabihii eebe ha u naxariiste Isagona Dalka Dibadisa Waxbarasho Ugu Maqnaa Sido kalena ah Isim da’yar dadkuna ku tilmaameen Qof si Cadaalada garta u gooya Aqoona ku hogaamin karaya Bulshada Soomaaliyeed.

Haween iyo dhalinyaro ku labisnaa dharka Hidaha iyo dhaqanka iyo Calamada Soomaaliya iyo Puntland ayaa Ciyaaro dhaqameydka ay Caanka ku tahay Soomaaliya soo bandhigay.

Gudomiyaha Gobalka Bari Ee Puntland Yuusuf Maxamed Waceys Dhado ayaa Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil kula dardaarmay in Shacabka uu wax u qabto.

Caaqil Mursal Maxamuud Cabdi & Nabadoon Cabdiqadir Axmed Ibraahim Xaraga Iyo Wakiilka Boqorka Cabdicasiis Boqor Muuse waxay si wadajira u soo dhaweyeen Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil Beeldaaje Cabdilahi ayaa Bulshada Boosaaso uga mahadceliyay soo dhawaynta ay u sameyeen.

Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil waxa uu ka mid noqon doona dhawaan Isimada Gobalka Bari waxana lagu la dardaarmay in Beeshiisa kaliya uusan la shaqeynin Blase uu noqdo mid Bulshada Soomaaliyeed Wax u qabta.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA :