Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La socodka Xuquuqa Insaanka oo Garoowe lagu daah-furay.

Mashruuca Xoojinta dowrka Bulshada Rayidka ah ee La socodka iyo ka warqabka Xuquuqul Insaanka,gaar ahaanna Hannaanka cadaaladd-marinta dambiilayaasha iyo eeday-sanyaasha ayaa maanta lagu daahfuray magaalada Garoowe ee caasumadda dowladda Puntland.

Mashruuca oo soconaya muddo 2 sano ah(jan 2018 – Jan 2020)
ayaa waxaa maal gelisay Midowga Yurub,waxaana fulin doona Kaalo, PSU,iyadoo ay gacan ka geysan doonaan Wasaaradda Cadaaladda iyo Xafiiska Madaxa Banaan ee Difaacaha Xaquuqda Aadanaha iyo sidoo kale Dalladda Daneeyayaasha aan Dawliga ahayn ee Puntland (PUNSAA).

Mudadaas 24-ta bilood ah waxaa qorshuhu yahay in si dhow loola socdo xabsiyada iyo goobaha dadka lagu xiro ee magaalooyinka waaweyn ee Puntland Garowe, Galkacyo, Qardho & Bosaso. Ilaa 3,000 oo qof ayaa si toos ah iyo si dadban uga faa’ideysan doonta mashruucan sida qorshuhu yahay.

Ujeedada Mashruucan ayaa ah; in la xoojiyo dowrka Daneeya-yaasha Aan Dawliga ahyn ee Kormeerka iyo la socodka Xuquuqul Insaanka, si gaar ah; Xuquuqda eedeysana-yaasha, dambiilayaasha iyo sidoo kale maxaabiista iyo si gaar ah hannaanka cadaalad marinta eedeysanyaasha & dambiilayaasha.

Waa markii ugu horeysay ee Midowga Yurub uu si toos ah u maalgeliso mashruuc uu fulinayo urur maxalli ah inta la ogyahay Somalia. “Waxaan aaminsanahy 27 sano oo KAALO Jirtay in ay kaashan doonto dhamaan bahwadaagta kala duwan ee mashruucan isla markaana waxqabad dhab ah iyo guulo taariikhi ah lagaari doono” waxaa sidaa yiri Maxamud Sh. Xamid (Gudomiyaha PSU & Kaalo).

Dhanka kale Maxamed Yusuf oo ah guddoomiyaha difaacaha xuquuqul insanka Puntlanad oo khudbad dheer jeediyey ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimada mashrucan“xaaladda liidata ee xabsiyadeena iyo guud ahaan ba tabashada laga sheeganayo hannaan keena cadaaladda iyo danbiyada ayaa mudan in wax laga qabto. waxaana hortiina ka ballan qaadayaa in KAALO & PSU aan taageero mug iyo miisaan ba leh la garab taagnaan doono isla markaana mashruuc kaliya maaha’e ay naga dhab tahay sidii loo ilaalin lahaa loona difaaci lahaa xuquuqda asaasiga ah ee bulshada”,ayuu yiri Maxamed yuusuf

Gudoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame ayaa sidoo kale soo dhoweeyey mashruucan,isagoo ku tilmaamay inuu mudan yahay in la iska kaashado sidi kor loogu qaadi lahaa tayada xabsiyada Puntland.

Gudoomiye Faysal ayaa sidoo kale baaq u diray dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan sidii lo ilaalin lahaa xuquuqda insaanka isla markaana aanan lo qaadan mashruuc oo kaliya balse sido kale arrin diinteena iyo dhaqan keenuba nafarayo.

Saraakiil Somali iyo ajnabi ah oo kala matalayey UN-ODC & EU CAP ayaa iyagauna madasha ka hadlay iyaga oo ka warbixiiyey shaqooyinka la xiriira ka hortagga danbiyada, amniga iyo ilaalinta xuquuqul insaanka ay ka wadaan Somalia si gaar ah Puntland. Waxayna sidoo kale ballan qaadeen inay gacan ka geysan doonaan fulinta iyo mira-dhalka mashruucan.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda & Dhaqan celinta Puntland Mudane Salah Xabiib ayaa khudbadiiisa ku aadan daahfruka mashruucan ku muujiyey sida ay uga go’antahay ilaalinta xquuqda bini aadamka ee dhammaan Puntland. Wasiirka oo si wata hadalkiisa waxa uu yiri:

“Xaqiiqdii ma jirto waqti kaga haboon xilligan oo loo qareemi lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada xabsiyadiina iyo si guud in loogu doodo sidii oo dhowri lahaa xuquuqda asaasiga ah ee danbiilayaasha iyo eedeysanayaashaba”.

Gabagabadii; mashruucan ayaa noqonayaa mid ka taageeraya bulshada rayid ka ah sidi ay si dhow ula socon lahaayeen ilaalinta xuquuqul insaanka. Waxaana la isla qaatay sidii xabsiyada looga dhigi lahaa goobo dadka wax lagu baro oo tayadoodu sarayaso.

Wasiirka cadaaladda ayaana gabagabadii si rasmiya u daahfuray mashruuca.

Halkaan ka eeg sawirrada daah-furka


,