Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la soo daayey dhammaan maxaabiistii ku xirnaa dalka Hindiya

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya,Mukhtaar Mahad Daa’uud,ayaa sheegay in tobankii bilood ee la soo dhaafay xukuumadda Soomaaliya ay maxaabiistii ugu badneyd ka soo daysay xabsiyada caalamka.

Isagoo wareysi gaar ah siinayey Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA,ayuu sheegay in la soo daayey dhammaan maxaabiistii Soomaaliyeed ee ku jiray xabsiyada dalka Hindiya oo tiradoodu gaarayso 117 Maxbuus .

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maxaabiis badan laga soo daayey dalalka,Seychelles,Ethiopia iyo Libya,islamarkaana uu socdo dadaal lagu soo daynayo inta ku harsan xabsiyada caalamka.

PUNTLAND POST