Ciidamada Puntland oo dilay 18 ka tirsan Al-shabaab

Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee (PSF) ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Al-shabaab,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska PSF.

Hawlgalkan ka dhanka ah Al-shabaab oo qaatay muddo saddex maalmood ah ayaa ciidanka PSF ka fuliyay degaannada Dhagaxdhaabur,Madarshoon,Karin, Xagarood iyo Diindigle oo dhammaantood ku yaalla buuraleyda Calmadow,sida ku xusan qoraalka PSF.

Taliska ciidanka Amiga PSF faahfaahin dheeri ah kama bixin hawlgalka,balse waxay sheegeen in ay sii wadayaan hawlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab,si looga hortago in ay shacabka dhibaato u geystaan.

Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland Post