Aqalka Sare ee oo guddi u magacabay xalinta khilaafka ka dhashay Mooshinka Jawaari

Muqdisho (PP) ─ Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan baarlamaanka iyo xukuumadda federaalka Somalia, ayaa waxaa guddi arrintaan xalliya magacaabay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Guddigan ayaa waxaa lagu magacaabay kulan ay maanta yeesheen xubnaha guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga doonayaa guddigan inay si hoose ku xalliyaan khilaafkan sii kordhaya.

Sidoo kale, Guddiga oo ka kooban toddoba xubnood ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Hawsha guddigan ayaa lagu sheegay inay tahay la kulmidda labada dhinac ee xiisadda taagan isku haya, si loo dhageyso dhinac walba tabashadiisa, isla markaana xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan oo qarka u saaran inuu curyaamiyo hawlaha hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda.

Haddaba, Xubnaha Guddigan ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin;

  1. Cabdi Xaashi Cabdullaahi – Guddoomiye
  2. Mowliid Xuseen Ducaale – Xubin
  3. Zamzam Ibraahim Cali – Xubin
  4. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) – Xubin
  5. Maxamuud Axmed Mashruuc – Xubin
  6. Maxamed Amiin Sh. Cismaan – Xubin
  7. Muxyadiin Sh. Cali Jaamac – Xubin

Ugu Dambeyn, Magacaabidda Guddigan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka taagan, kaasoo haatan maraya in labada dhinac ee uu khilaafku u dhexeeyo ay isku adeegsadaan awood ciidan.

PUNTLAND POST