Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya,Maxammed SH. Cismaan(Jawaari) oo shir jaraa’id qabtay ayaa Xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay weerar ku soo qaadday Baarlamanka,kadib markii Galabta ciidan cusub la wareegay xarunta Golaha shacabka.
Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Xassan cali Kheyrre uu awood ciidan kula wareegay xaruntii Golaha shacabka,islamarkaana xukumaddu ay doonayso in ay burburiso Baarlamanka,isagoo xildhibaannada ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan arrintaasi.
Dhinaca kale Mudane. Jawaari ayaa sheegay in xukuumaddu ay ka dambayso mooshinka laga gudbiyay,balse loo socdo in Baarlamanka la burburiyo ee aan loo socon Jawaari oo keliyah,wuxuuna codsaday in kulanka Golaha Shacabka loo wareejiyo xarun kale oo aamin ah,haddii la doonayo in mooshinka la sii wado.
Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Jawaari.
PUNTLAND POST