Somalia:-27 sano kadib hay,adda socdaalka iyo jinsiyadda oo la wareegtay shaqadeeda

Waxaa 27 sano ka dib si rasmiya shaqadeeda ula wareegtay Hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadda dalka Soomaaliya oo ka mid ah afar qodob oo dastuurku awood u siinayo dowladda dhexe, Iyadoona magaalada Garoowe lagu daahfurey nidaam soo bandhigaya wixii hadda ka dambeeya in hal qorshe, siyaasad, iyo mid maamul-ba ku shaqeyn doonaan xafiisyadda hay,addu ku leedahay Gobolladda dalka.

Hay,adda ayaa dhisme weyn oo laga xukumayo dhamaan laamaha ku yaala Bosaso,Gaalkacyo,Badhan iyo Buuhoodle ka hirgalisay magaalada Garoowe ka dib markey maalmo ka hor ka rartey qalabkii iyo shaqaalihii hay,adda 15-kii sano ee u dambeeyay uga shaqeyn jirey guri kiro ah oo ku yaala Caasimada Puntland ee Garowe.

Cabdulaahi Maxamed Axmed (Dhaga-dheere) oo ah Agaasime kuxigeenka Jinsiga ee laanta Puntland  ayaa si rasmiya u shaaciyay in la mideeyay guud ahaan laamihii dalka iyo guud ahaan nidaamkii shaqada hay,adda islamarkaana ay hadda isu diyaarinayaan sidii xarumo looga samayn lahaa Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha Puntland ka dib markey ku guulaysteen in maamulladda dalka ka jira ku wareejiyaan qeybo aan horey u hoos imaan jirin Hay,adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya..

Wariyaha PUNTLAND POST Abshir Dhiirane ayaa warbixinta hoose ka diyaariyay dhaqaajinta hawlaha shaqo mid ka mid ah hay,addaha dastuuriga ee dalka Soomaaliya.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLND POST