SHIRKII BILLAHA AHAA EE GUDDIGA FULINTA MASHRUUCA CIP OO GAROOWE KA FURMAY MAANTA

Shirkii billaha ahaa ee guddiga fulinta ee Mashruuca tayaynta shaqaalaha (Capacity Injection Project) ayaa maanta lagu qabtay Wasaaradda Qorshaynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee dawladda Puntland, iyadoona ay kasoo qayb galeen xubno matalayey dhammaan hay’adaha iyo wasaaradaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca tayaynta shaqaalaha.

Shirkaan oo dhowrkii biloodba mar la qabto ayaa waxaa sannad walba xoogga lagu saaraa qaabkii loosii horumarin lahaa mashruuca isla markaana loo dejin lahaa qorshe hawleedka sannadka xiga iyo sidii wax laysaga weydiin lahaa guulihii la gaarey sannadkii hore iyo caqabadaha lasoo gudboonaadey.

Muddadii uu shirku socdey ayaa waxaa looga doodey qodobbo dhowr ah oo la xiriira dar-dargelinta mashruuca kuwaas oo ugu muhimsanaayeen shaqaale qorista hay’adaha dawladda oo dhowaan ay hay’adaha dawladdu qaadanayeen shaqaale cusub kuwaas ooh ab tartan furan ah loo qaadanyey ayaa shirka lagu sheegay in ay si wanaagsan u soconayso.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay diyaarinta qorshe hawleedka sannadkaan cusub iyo sidii loo dhammaystiri lahaa barnaamijka shaqaalaysiinta dawlad, waxaa kale shirka lagu soo qaaday hannaankii dib u habaynta shaqaalaha dawladda kaas oo mashruuca CIP uu door weyn ku lahaa.

Waxaa sidoo kale looga doodey shirka dib u habayntii iyo dib u qaabayntii qaab dhismeedka hay’adaha dawladda Puntland kuwaas oo wax weyn laga beddeley isla markaana qaybtood lasoo koobay halka qayb kalena la ballaariyey iyadoo loo eegayo marwalba baahida shaqo.

Geba gebadii shirka waxaa laysla meel dhigay in mashruucu uu noqday mid wax weyn oo la taaban karo ka beddeley hay’adaha dawladda isla markaana loo baahan yahay in lasii dar-dargeliyo maadaama uu noqday mid siweyn wax uga beddeley dardargelinta shaqada hay’adaha dawladda.