Guddoomiyaah Shirkadda DP World ayaa Khamiista maanta ah mar kale xaqiijiyay in ay shirkaddiisa ka go’antahay maal-gelinta Somaliland,kadib Baarlamanka Soomaaliya dalka ka mamnuucay shirkaddaas,sida lagu daabacay Wargeeska Gulf News.
Wargeeska ayaa ka soo xigtay guddoomiyaha DP World,Sultan Bin Sulayem in Somaliland ay dal madax-bannaan tahay muddo 28 sano ah,islamarkaana ay heshiisyo gaar ah kula jirto shirkado iyo dalal dhowr ah.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id ayuu sidoo kale sheegay in go’aanka dowladda Djibouti dalkeeda uga mamnucday shirkadda DP World uu yahay”mid nasiib-darro iyo sharci-darro ah“,wuxuuna adkeeyay in shirkaddiisu ay hadda ka shaqeynayso in ay u xukun-dhiibato maxkamad ku taalla magaalada London.
Halkan ka akhriso qoraalka Gulf News oo dhammaystiran
PUNTLAND POST