Dowladda Puntland ayaa sheegtay in wejiga labaad ee shirka wada-tashiga maamul goboleedyada ee lagu qabanayo magaalada Garoowe looga hadli doono arrimaha amniga dalka iyo isku-xirka maamulada Federaalka,sida ku cad qoraal ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee maanta.
Dhinaca kale shirka Golaha Wasiirada Puntland ayaa looga hadlay arrimaha abaaraha,waxaana madaxweyne Gaas oo shirkaan guddoomiyay uu amar ku bixiyay in wasaaradihii iyo guddiyadii ka shaqeyn jiray u-gurmadka dadka ay bilaaban qorshihii looga hortagi lahaa xaaladdan.
Qoraalka ka soo baxay shirka ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasaaaradda Cadaaladda Puntland ay bilaabayso Roob-doon Ilaahay lagu weydiisanayo in raxmaddiisa.
Halkaan ka akhriso qoraalka Madaxtooyada.
PUNTLAND POST