Dowladda Imaaraadka oo Somaliland dal ku tilmaantay.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha madaxtooyada,Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan ayaa Arbacadii qasriga madaxtooyada ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sheikh Mansour iyo madaxweyne Biixi ayaa ka wada-hadlay habkii loo xoojin lahaa xiriirka laba-geesoodka ah,si loogu adeego danaha wadaagga ah ee labada dal iyo dadkooda.

Waxay sidoo kale dib-u-eegis ku sameeyeen mashaariicda dhaqaale, bani’aadanimo iyo horumarineed ee Imaaraadku ka fuliyo Somaliland ee looga faa’ideynayo shacabka Somaliland.

Halkaan ka akhriso Warbixinta ay qortay Wakaaladda Wararka WAM ee Imaaraadka Carabta.

PUNTLAND POST