Mid Ka mid ah Duuliyeyaashii ugu caansanaa Somalia oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Waxaa xalay mgaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee duuliye Maxamuud Cabdullaahi Barre (Faytaan) oo ka mid ahaa duuliyeyaashii uu caansanaa Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa duuliyeyashii fara-ku-tiriska ahaa ee duullimaadyada fog-fog geli jiray.

Marxuum Feytaan, ayaa ka mid ahaa duuliyeyaashii shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airlines, isagoo u shaqeynayay mudadii u dhexeysay 1964-kii illaa 1990-kii markaasoo ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Marxuumka ayaa ka mid ahaa kooxdii lagu aasaasay ciidamadii cirka ee Soomaaliya, wuxuuna laysinka duulimaadka diyaaradaha qaatay sannadkii 1954-kii, isagoo intaas kaddib caan ku ahaa duulinta, Wuxuuna sameeyay duullimaadyo isugu jiray kuwo rayid ah iyo kuwo ciidan.

Duuliye Faytaan, waa duuliyihii ugu horreeyay ee diyaarad dagaal oo Jet ah noocii ugu horreeyay ee ciidankeenna kasoo duuliyay dalka Masar sannadkii 1963-kii. Wuxuuna ka mid ahaa duuliyeyaashii lagu aasaasay shirakddii Somali Airlines.

Marxuumka ayaa wixii ka dambeeyay burburkii Soomaaliya uu u weecday dhanka beeraha, isagoo beer ka sameysay dulleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa wuxuu ifka uga tagay carruur uu dhalay iyo kuwo ay sii dhaleen, wuxuuna ku geeriyooday da’da 90-naadka, sida ay noo sheegeen dad ay ehelo yihiin.

PUNTLAND POST