Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo raalli-gelin bixisay.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo maalmo ka hor ka guurtay xarun ay kiro ahaan ugu jirtay ayaa haatan ka shaqo bilowday xarun cusub oo ay ka dhisatay dhinaca galbeed ee magaalada Garoowe.

Muddo saddex maalmood ah oo ay socotay hawsha guuritaanka hay’adda,ayaa gebi ahaanba waxaa istaagay shaqadii ay Baasaboor-bixinta,waxaana dhibaato kala kulmay dhacabka Soomaaliyeed ee adeeggan loo qaban jiray,kuwaasoo warbaahinta ka jeediyay cabashooyin ku aaddan arrintaas.

Dadka baasaboorka soo doontay qaarkood oo meelo fog ka yimid ayaa wararku sheegayan in ay magaalada Garoowe ku xayirmeen,kadib markii uu ka go’ay Kharashkii ay ku soo tala-galeen,halka qaar kalena ay dib ugu laabteen degaannadii ay ka yimaadeen,iyagoo aan wax shaqo ah loo qaban.

Haddaba shaqadii Hay’adda ayaa maalintii shalay si rasmi ah dib uga bilaabatay xarunteeda cusub ee ay haatan u guurtay,waxayna shacabka ka raalli-gelisay dhibaatada ay kala kulmeen baasboor-bixinta saddexdii maalmood ee hay’addu soo guuraysay.

Agaasimaha Laanta Puntland ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Maxammed Faarax Qanbi ayaan saaka wax ka weydiiyay cabashadada dadweynaha ee ka dhalatay hakadkii ku yimid shaqada?

Halkaan ka daawo jawaabta Qanbi.

PUNTLAND POST