Trump oo xilkii ka qaaday Xoghayihii Arimaha Dibadda isagoo ku bedelay mas’uul cusub

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa xilka ka qaaday Xoghayihiisii Arrimaha Dibadda, Rex Tillerson, wuxuuna ku bedelay agaasimihii CIA-da, Mike Pompeo.

Xil-ka-qaadista Tillerson ayaa kusoo beegmaysa kaddib markii uu dhawaan ku marayay booqasho dalal ku yaalla Afrika oo ay ka mid yihiin; Kenya iyo Itoobiya oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya.

“Agaasimihii CIA-da, Mike Pompeo ayaa noqon doona xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka. Shaqo cajiib ah ayuu qaban doonaa,” ayuu Trump kusoo qoray bartiisa Twitter-ka. Isagoo hadalkiisa ku daray. “Rex Tillerson waad ku mahadsan tahay shaqadaadii aad qabatay intii aad xilka haysay.”

Sidoo kale, Warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa baahisay in Trump uu Jimcihii ka dalbaday Rex Tillerson inuu xilka banneeyo, taasoo keentay inuu Tillerson soo gaabiyo Isniintii shalay booqasho uu Afrika ku marayey isagoo ku laabtay magaalada Washington DC.

Dhanka kale, Trump wuxuu kaloo sheegay in ku-xigeenkii Agaasimaha CIA-da oo ah gabadh lagu magcaabo Gina Hapsel ay noqon doonto Agaasimaha cusub ee hay’addaas.

Sababaha keenay in Rex Tillerson xilka laga qaado ayaa lagu sheegayaa kala aragti-duwanaan u dhexeeya Trump iyo Tillerson. Iyagoo aragtiyadooda ay ku kala duwanaadeen khilaafkii dalalka Khaliijka, iyadoo xoghayaha xilka laga qaaday uu dhawr jeer cambaareeyay Sacuudiga, Imaaraadka, Masar.

Ugu dambeyn, Donald Trump ayaan isagu qarsan inuu taageeray go’aankii lagu go’doomiyay Dowladda Qatar, isagoo sheegay in Qatar ay taageerto kooxaha argagaxisada ah.

PUNTLAND POST