Musharaxa Duqa Degmada Bosaso Maxamed Faarax Mire oo Booqday Xarunta Dawladda Hoose

Musharaxa duqa degmada Boosaaso Maxamed Faarax Xaaji Mire ayaa maanta 13 March, 2018 waxa uu booqday xarunta Dawladda Hoose ee degmada Boosaaso waxaana halkaa si diiran ugu soo dhoweeyay duqa KMG ah ee degmada Boosaaso ahna Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

Cabdisalaan Bashiir ayaa Musharax Maxamed Mire ugu hambalyeeyay inuu kamid noqdo musharixiinta u tartamaya hogaaminta magaalada Bosaso, sidoo kale wuxuu ku ammaanay qorshah musharax Mire uga degsan horumarinta magaalada Boosaaso.

Musharax Maxamed Faaraxa Xaaji Mire ayaa dhankiisa uga mahad celiyay duqa KMG ah ee Boosaaso sida wanaagsan ee uu ugu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso gaar ahaan xafiiskiisa, wuxuuna caddeeyay inuu isu soo sharaxay horumarinta Boosaaso iyo in wax laga bedelo qaabka ay u shaqayso.

Labada masuul ayaa isla qaatay in Boosaaso ay u baahan tahay in loo shaqeeyo iyada iyo bulshada ku dhaqan, isla markaana lala yimaado qorshayaal daah-furan oo is beddel dhab ah u horseedi kara magaalada iyo dadweynaha ku dhaqan maadaama ay tahay magaalada ganacsiga Punland.

Puntlandpost – Boosaaso