Madaxweyne Farmaajo oo Xalay ku hoyday Wasaarada Gaashaandhiga

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ku hoyday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga oo ku taala Degmada Deyniile Nawaaxiga Washaradaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si KMG ah uga soo guuray xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo uu madaxweynaha ku shaqeeynayay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa dhiiragalin u sameeynaya Ciidamada xooga dalka si ay u qaadaan weeraro cuslus iyo hoowlgalo dalka Al-Shabaab looga saarayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ahna Taliyaha guud ee ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hoogaamin doono howlgal culus oo lagu qaado Al-Shabaab.

Dalka Soomaaliya waxaa laga dareemayaa abaabul xoogan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho