Xildhibaanada Golaha shacabka oo maanta ka doodaya Heshiiskii Berbera & Xeer Hoosaadka Golaha

Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya  ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeelanaya kullankoodii ugu horeeyay ee kal fadhiga saddexaad oo 10kii-bisha Maarso uu furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaaj,sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka SONNA.

Xoghayaha Golaha Shacabka Md:C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa u sheegay  Warbaahinta dowladda in kullankaan uu yahay kii ugu horeeyay ee kalafadhiga saddexaad ee Golaha shacabka,wuxuuna tilmaamay in diiradda lagu saari doono labo Qodob oo kala ah Xeer hoosaadka Golaha Shacbiga oo dib u eegis lagu sameynayo ,Qodobada qaarkood oo laga doodi doono iyo Heshiiska maamulka Somaliland uu la galay Shirkadda Dp World iyo Ethopia oo Xildhibaanada dood ay ka yeelan doonaan.

Wuxuu sheegay Md. Buux inay jiraan nidaam Baarlamanka ay u doodaan,islamarkaana saddexdii bilba mar dib u eegis lagu sameeyo Xeer hoosaadka Golaha shacbiga.

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net