Shirkada DP World oo dalka laga mamnuucay

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucay Shirkada DP World ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta.

Kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo xaadiray 170 Xildhibaan,168 Xildhibaan ayaa ogolaaday in dalka laga mamnuuco Shirkada DP World halka 1 Xildhibaan uu diiday, waxaana ka aamusay mudane kalena.

Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dalka laga mamnuucay Shirkada DP World ee lagu eedeeyay in dalka ay ku soo xadgudubtay.

Sidoo kale waxaa Baarlamaanku ay laaleen heshiiskii ay shirkadaasi la gashay maamul Goboleedyada Dalka ka Jira.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho