Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ee ka faa’ideysiga Tamarta oo ee New Delhi

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo magaalada New Delhi ee caasimadda dalka India kaga qeyb galay Shirka Caalamiga ahaa ee ka faa’idaysiga kheyraad dabiiciga ah ee Tamarta (International Solar Alliance), oo shalay ka furmay dalka India ayaa Khudbad uu ka jeediyay shirkaasi wuxuu kaga hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo muhiimadda shirkaasi dalka u leeyahay.

Wuxuu sheegay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka in Soomaaliya keliya aysan xubin ka ahayn isbaheysiga caalamiga ah ee Tamarta (International Solar Alliance),sidoo kalena ay ansixisay Heshiiskii Iskaashiga ISA Framework Agreement ISA.

“Soomaaliya ma ahan oo kaliya xubin ka mid ah Axdiga Caalamiga ah ee (International Solar Alliance),balse wuxuu sidoo kale ansixiyay Heshiiskii Iskaashiga ISA. Soomaaliya ayaa sidoo kale saxiixa Heshiiska Paris waxaana uu si joogta ah u xoojiyay mudnaanta sare ee la xiriirta wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo in la sii wado beesha caalamka hirgelinta qorshayaal caalami ah, heshiisyo iyo kullamo, oo ay ka mid yihiin dhowaan COP23 ee Bonn “. Ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Mr. Mahdi,ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay madaxweynay Faransiiska Emmanuel Macron iyo Ra’iisal wasaaraha dalka India Narendra Modi in Dowladda Soomaaliya ay ku casuumaan shirka Taariikhi ah ee ka dhacay magaalada New Delhi ee caasimadda India.

Ugu danbeyntii,Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa beesha caalamka ugu baaqay iney sii laba jibaaraan taageerada ay siinayaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed,maadama horumaro laga sameynayo dhinacyo badan oo dhanka Siyaasadda,Amniga iyo Arrimaha Bini-adanimada ah.

___DHAMMAAD___