Musharax Gudoomiye Maxamed Faarax Xaaji Mire oo Bosaso lagu soo dhaweeyey

Musharax Gudomiyaha Golaha Deegaanka Degamada Bosaso Maxamed Faarax Xaaji Mire Ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweyey  Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari,.

Soo Dhaweynta Musharax ayaa Waxaa Ka Qayb Galay Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan Sida Haweenka Dhalinyarada Odayaasha Dhaqanka Waxgaradka Iyo Aqoonyahanada Ku Sugan Bosaso.

Maxamed Faarax Xaaji Mire Waa Nin Dhalinyaro Ah Aqoonyahana Waxbadana Kala Socda Siyaasada Magaladan Bosaso Isagoona Sheegay Hadii Uu Ku Gulaysto Inuu Hormar Wacan Gaarsinayo Magaladan.

Musharax Maxamed Faarax Xaaji Mire Oo Qaybta Nasashashada Garoonka Diyaaradaha Kula Hadlay Warbaahinta Ayaa Sharaxay Sababta Ku Kaliftay Inuu Isasoo Sharaxo.

“…Bosaso waxay ii leedahay muhimad gaar ah waant ii maalin farxadeed, Bosaso waa meeshii muddadii dhalinyaranimadeyda aan ku qaatey wax badana aan ka qabtey, waxay astaan u tahay Qaranimada Soomaaliya in aan maanta joogno Bosaso oo ku taala cirifka Waqooyi ee xeebaha Soomaaliya….

waxana sida oo kale ku faraxsanahay in aan u tartamo xilka gudoomiyaha Degmada Bosaso hadii aan ku guuleysto waxabadan ayaan ka qabanayaa baahiyo badan oo ka taagan Bosaso ” sidaas waxa yiri Musharax Gudoomiye golaha Deegaanka Bosaso Maxamed Faarax Xaaji Mire.

Waxaa Magalada Bosaso Hada Laga Daremaya Soo Xulista Xildhibanada Golaha Degaanka Bosaso Kuwaasi Oo Dooran Doona Gudomiyaha Ay Degamadan Yeelan Doonto.