Hay’adda socdaalka Soomaaliya oo beenisay in ay joojisay baasaboorkii laga bixin jiray Garoowe

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda dowladda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay in ay joojisay Baasaboorka ay ka bixin jirtay Xafiiska magaalada Garowe ee caasumadda dowladda Puntland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in hay’adda oo markii hore ku jirtay guri Kiro ah ay haatan xarun weyn ka dhisatay magaalada Garowe,islamarkaana ay xafiiska cusub ka bilaaban doonto shaqadii bixinta baasaboorrada.

“Hay’addu waxay mar kale ku wargalineysaa bulshada ku xiran adeegga xaruntaan in ay adeegga bixinta baasaboorku dib uga bilaaban doonto xarunta cusub maalinta beri ah oo ay tariikhdu tahay 13/03/2018”,ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale hay’adda ayaa beenisay in wax khilaaf ah uu ka dhex jiro madaxdeeda ku sugan magaalada Muqdisho iyo xafiiska Garoowe,waxayna caddaysay in aysan mas’uuliyad hay’adda ka hayn dadkii warkaasi sheegay.

“dhinaca kale Hay’addu waxay cadeyneysaa in aysan matalin isla markaana wax mas”uuliyad ah u haynin dad shaley sheegtey magaca hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya”,ayaa qoraalku raaciyay

Qoraalka ay soo saartay hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambyan loogu mahadceliyay guud ahaan madaxda dowladda Puntland,gaar ahaanna maamulka gobolka Nugaal .

“Ugu danbeyn, Agaasinka Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland, gaar ahaan maamulka gobolka Nugaal wadashaqeynta hagaagsan, islamarkaana ku saleysan sharciyada dalka”.

PUNTLAND POST