DP World oo somaliland ka saxiixday in aan la samayn karin deked kale oo Container Terminal leh

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Sacad Cali shire ayaa Golaha wakiilada Somaliland hor tegey si uu uga jawaabo su’aalo ay ka qabeen heshiiska dekedda Berbera. Xubno ka mid ah golaha ayaa muujiyey dareen shaki leh oo ay ka qabaan heshiiska dhexmaray DP world, Somaliland iyo Itoobiya, Waxayna codsaden in heshiiska oo dhamaystiran Golaha la keeno si looga doodo. Wasiirka ayaa dhinaca kale goobta ka cadeeyey in DP World loo saxiixay in aan deked kale oo Container maamuli karta aan laga samayn karin xeebaha Somaliland, isagoo ku macneeyey in shirkaddu ilaashanayso danaheeda ganacsi.