DP World oo somaliland ka saxiixday in aan la samayn karin deked kale oo Container Terminal leh

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Sacad Cali shire ayaa Golaha wakiilada Somaliland hor tegey si uu uga jawaabo su’aalo ay ka qabeen heshiiska dekedda Berbera. Xubno ka mid ah golaha ayaa muujiyey dareen shaki leh oo ay ka qabaan heshiiska dhexmaray DP world, Somaliland iyo Itoobiya, Waxayna codsaden in heshiiska oo dhamaystiran Golaha la keeno si looga doodo. Wasiirka ayaa dhinaca kale goobta ka cadeeyey in DP World loo saxiixay in aan deked kale oo Container maamuli karta aan laga samayn karin xeebaha Somaliland, isagoo ku macneeyey in shirkaddu ilaashanayso danaheeda ganacsi.

One comment on “DP World oo somaliland ka saxiixday in aan la samayn karin deked kale oo Container Terminal leh”

  1. Iibkii Siilaanya billaabay inaad ku siidarto in aanan dakad kale laga dhisi karin dalka, si aad ugu xumayso Khayre iyo Soomaaliya, ma garan weyday in aad ku tiraahdo DP World, Qandaraasyadii aad la gasheen dawladdii hore waxba kama jiraan; ee waa in aad hadda qandraas cussub (oo shacabka Soomaaliland wax ugu filan oo Itoobiya ayan ku jirin) dawladdan la dhigataan? Uganda waa dawlad sida Itoobiya aanan lahayn dakad waxaana ay heshiis la leedahay Kenya in dakadeeda wa looga soo dajiyo, iyadoo aanan waax ka iibin. Itoobiya waa dawlad xudduud ina la leh oo aan dakad wax uga soo dagaan lahayn. Ma garanweydeen in aad la gashaan heshiis bixin khidmad idinkoonan ka iibi dakadda, rubac iyo tummun toona.
    Muusoow, qarannimada aad Soomaalilaand ugu doodeyso ma ku garansiin weyday in aadan dalka aadan ka iibin DP World iyo Itoobiya? Haddi dawladdii Siilaanyo ay khalad shacabka Somaliland ka gashay oo ay dhulkii iibisay, intii aad ku xumee Kheyre is leedahay, hadderr baa faylashu na go’anyihiina, ha ina dooxin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *