Dowladda Soomaliya oo Sheegtay in Howlgal Lagu Dilay Wiil uu Dhalay Hogaamiyaha Al-shabaab

Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidamo mareykan ah ayaa weerar qorsheysan ku dilay Ciidamo iyo Saraakiil ka Tirsanaa  Al-shabaab oo uu ku jiro wiil uu dhalay Hogaamiyaha   Al-shabaab Axmed Diiriye Abuu Cubeyda.

Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Kuntu waareey ee Gobolka shabellaha hoose

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka ay si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada xoogga dalka iyo ciidamo mareynkan ah ayna ku dileen 12-askari iyo iyo labo sarkaal.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa xusay magacyada saraakiisha lagu dilay howlgalka kuwaasi oo magacyadooda ay ku sheegeen  Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Maxamuud Maxamed Nuur(Faruur).

Saraakiisha  la dilay  waxaa la socday  wiil uu dhalay hogaamiye  Axmed diiriye Abuu Cubeyda kaasi oo Magaciisa ay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ay ku sheegeen Xasan Ahmed Diiriye Abuu cubeyda kaasi oo ciidamada ay ku dileen Howlgalka.

Dhanka kale Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay soo gudbin doonaan xilalka ay hayeen ragaan ka tirsan Al-shabaab.

PUNTLAND POST