Wasaarada Deegaanka Puntland oo hirgalisay nidaam ku saabsan maaraynta shaqada iyo maamulka maaliyadda.

Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Puntland ayaa maanta daahfurtay barnaamij casriya oo lagu maareynayo Dhaqaalaha, Mashaariicda, Iibka, Fasaxa Shaqaalaha iyo Maamulka Shaqada (IFMS) wuxuuna ku shaqayn doona qaab Computer-ka oo si toos ah looga maamuli doono guud ahaan shaqada xaafiisyada Wasaarada iyo Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, wuxuuna noqonayaa dhismaha qaabkaan casriga ah midkii ugu horeeyey oo Puntland laga sameeyo iyadoona furitaanka Barnaamijkan ay ka qaybgaleen madaxda wasaarada deegaanka, hay’adaha wasaarada la shaqeeya, wasaaradaha iyo marti sharaf kale.

Eng. Cabdiraxmaan Shiikh Salaad Jawle oo ah Mulkiilaha shirkadda Sodan Tec Inc. oo ku guulaysatay hirgalinta barnaamijkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin inay maanta si rasmi ah ugu wareejiyaan Wasaarada Deegaanka kadib markii mudo sanad ah ay soo wadeen dhismaha Barnaamijkaan casriga ah iyo ku tababarida shaqaalaha kala duwan ee wasaarada Deegaanka kuwaas oo iminka awood u leh inay ku shaqeeyaan .

Eng. Cabdiraxmaan wuxuu sheegey in dhamaan arrimihii looga baahnaa dhismaha iyo hirgelinta barnaamijka ay dhamaystireen waxaana goobta uu kusoo bandhigay sharaxaad ku saabsan qaabka loo maamulayo barnaamijka IFMS.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) oo ka hadlay daahfurka barnaamijka ayaa sheegey in wasaaradiisu dadaal wayn u gashay sidii loo hirgelin lahaa arrintaan, wuxuuna intaas ku darey inay sii bilaabeen tijaabinta habkan casriga ah ee qaabka Computerizedka ah oo lagu maamulayo qaybaha kala duwan ee wasaarada.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka iyo Madax ka socotay hay’adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee ee Puntland oo iyana ka hadlay hirgelinta barnaamijkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin in barnaamij noocan oo kale ah Puntland laga hirgelin karo, waxayna sheegeen inay ku dayan doonaan Wasaarada Deegaanka si looga boxo kalsooni la’aanta dhanka maamulka Maaliyada ee marar badan lagu dhaliilo guud ahaan wasaarada iyo xarumaha dawlada,iyadoo sanad walba Soomaaliya lagu sheegey inay kaalinta koowaad uga jirto Musuqmaasuqa dalalka adduunka, taasina ay sabab u tahay hababka aan casriga ahayn oo lagu maamulo maaliyada dalka.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane, Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed “Maareeye” oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay in wasaarada Deegaanku ay noqotay wasaaradii ugu horaysay ee Puntland ka samaysa habkan casriga ah ee “IFMS” waxaana uu sheegey inuu rajaynayo in laga guuri doono waraaqaha oo loo guuri doono Habkan oo aduunka oo dhan looga shaqeeyo.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo gabagabadii soo bandhigida barnaamijkan ka hadlay ayaa sheegey in Wasaaradiisu ay xooga saartay sidii loo dhisi lahaa nidaam maaliyadeed oo sax ah islamarkaasna casri ah.

Wasiirku wuxuu u mahadceliyey Midowga Yurub “EU” iyo Hay’adda Care Somalia oo iyagu barnaamijka maalgalintiisa ka caawiyey wasaarada iyo shirkada wadaniga ah ee Sodan Tec Inc. oo hirgelisay barnaamijkan.

Dr. Cali Cabdullaahi Warsame wuxuu sheegey in tani ay qayb ka qaadan doonto daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha waxaana uu hay’adaha iyo wasaaradaha kala duwan ee Puntland ugu baaqay inay sidaasoo kale sameeyaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST