Dowladda FS oo soo bandhigtay Qorshaha AMISOM looga wareejin lahaa Ammaanka

Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir-guddoomiye maanta kulan Dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigaysay Beesha Caalamka qorshaha Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo ammaanka Somalia.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan Dowladda Somalia, kuwo ka socday Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidanku ka joogaan Somalia, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha Ciidamada qalabka sida ee DF ay AMISOM ugala wareegayaan amniga dalka.

Wasiirka Difaaca Somalia, Maxamed Mursal Sheekh oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshahaan oo ay soo diyaarisay Dowladda Somalia la isla ogolaaday, isla markaana Beesha Caalamka ay u arkeen Qorshahaan mid ku yimid rabitaanka dowladda Somalia oo ay mudantahay in la isla qaato.

“Muddo bil ku dhaw waxaa la diyaarinayay qorshaha ay ciidamada Qalabka sida ee Dowladda Federaalka Somalia ay xilka ammaanka dalka kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo lasoo diyaariyo qorshe Anaga aan leenahay,” ayuu yiri Wasiir Mursal.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa intaas ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah isla markaana hadda wixii ka dambeeya loo gudbi doono wixii farsamo ah.

“Dhammaan xubnihii kasoo qayb-galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogoladay,” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka gaashaandhiga Somalia.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa xusay in qorshahaan oo ay leedahay dowladda Somalia ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amaanka oo si buuxda ciidanka qalabka sida ay mas’uuliyadda ammaan u maamulaan.

PUNTLAND POST