Xukuumada Soomaaliya oo Dacwad ka Gudbisay Dowlada Imaaraadka Carabta

Wasaarada Arimaha dibada Xukuumada Federaalka Ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dowlada Imaaraadka ayaa ka Gudbisay dacwad.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Amba Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay Jaamacada Carabta u gudbisay Dacwad ka dhan isaga oo sheegay in Imaaraadku uu ku soo xadgudbay Qaranimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale ay la kulmeen masuuliyiin ka socoto Dowlada Itoobiya iyaga oo kala hadlay arimo ku aadan saami qeeybsiga ay ka heleen dekeda Ber Bera.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliland iyo Soomaaliya ay yihiin dad walaalo ah islamarkaasina dowlada Soomaaliya aanay ka soo horjeedin hormarka Soomaaliland hayeeshee ay tahay mid sharci daro ah heshiiskii ay la geleen Imaaraadka.

Shirkada DP World ayaa ku dhawaaqday dhowaan in Dowlada Soomaaliya aanay sharci u laheyn in ay soo faragaliso heshiiskii dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Shirkada Imaaraadka Carabta.

Hoos ka Dhageyso Codka

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

One comment on “Xukuumada Soomaaliya oo Dacwad ka Gudbisay Dowlada Imaaraadka Carabta”

  1. Farmaajo wuxuu rabaa inuu suuqa ka saaro raiisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo si bareer ah isagu u sheegay in heshiis-ku-sheegga dekeda Berbera uu yahay mid hal kama jiraan ah oo sharciga garab marsan.

    Farmaajo oo horena Imaaraadka u soo booqday laba jeer sannadkii la soo dhaafay ayaan ka hor imaanin heshiiskaas
    lagu waxyeelleeyay madaxbannaanida iyo gobannimada dalkan Somalia.

    Malaha xoogaa sandareerto ah ayuu hoosta ka galay, wuuna ka gaabsaday inuu horistaago heshiis-ku-sheegga dekedda Berbera.

    Farmaajo marar badan baa wax laga weydiiyay heshiiskaas. Wuuna diiday inuu si cad u cambaareeyo tallaabadaas wax loogu dhimayo qarannimada Dalkeenna.

    ILLEYN—AF—WAX—CUNAY—XISHOOD.

    Kheyre isagu wuu ku soo hungoobay safarkii uu Imaaradka ku tegey. Wuxuu waayay cid weydiisa xata “HABARTAA MARREEXAAN YEY KA TAHAY”. Isagoo weli Imaaraatka ku sugan baa korkiisa lagu kala saxiixday waraaqo lagu sheegay “heshiis”.

    Xanaaqii waa kii Kheyre furka tuuray oo
    si bareer ah afka uugu balaariyay in waxa heshiiska lagu sheegay uu yahay eber iyo hal-kama-jiraan (sharci darro — null and void).

    Caradii ka qabatay inaan loo soorin heerkii uu filanaayay oo aan wax lagu qanco karo laga gaarsiin ‘ducadii’ la qeybinaayay, caradaas darteed buu hawshii laad ku arfacay.

    Xusuusta in Armaajo uu diiddanaa safarkii Kheyre ee Imaaraatka. Laakiin,
    Kheyre oo qaraab tegaya ayaa ka dhego adeygay amarka Farmaajo.

    Kheyre weelka guntiisa ayuu soo taabtay, waana kii furka tuuray markii la qarsin qalloociyay. WAANA TII UU KA BAQAAYAY AW ARMAAJO.

    Hunguri weynida Armaajo ayaa fashilkaas keentay: haddii uu ducadii
    Imaaraatka uu qeyb ka siin lahaa Kheyre, ma dhaceen fadeexadan, bayuurtan iyo facsharkan.

    Hadda ayuu Farmaajo leeyahay: Ha loo kaadiyo Imaaraatka, bal inay soo rujuucaane.

    Farmaajo waa ku khasban yahay inuu sidaas u hadlo oo haddii heshiiskii
    dariishadda uu ka saaro Kheyre, waxaa
    xigeysa in Imaaraatka ay Farmaajo ka
    dalbadaan inuu soo celiyo ‘ducadii’.

    Dubai World Ports waa shirkad ganacsi.
    Xoolaheeda laguma qaadan karo cayaar cayaar.

    Armaajo haddii uu la yimado madax adeyg oo lacagtii ducada aheyd soo celin waayo, Dubai World Ports sahal iyo hawl yari bay sidii ay doonaan uga yeeli karaan Aw Armaajo.

    Dalkan barakeysan ee Somalia Allow ay
    u kacaan madax karti iyo hufnaan leh oo
    aan ka fekereyn xoogaa lacag ahoo lala goosto, si loogu tunto Mareykanka iyo Norway, iyo dalal kaloo dunida ka mid ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *