THABID CABID: Danta Dalka waxay ku jirtaa in Madaxdu aysan ka dhuuman Shacabkooda

Muqdisho (PP) ─ Duqii hore ee magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo xalay hadal u jeedinayay boqolaal Soomaali ah oo ku nool magaalada Gothenburg ee wadanka Sweden ayaa sheegay in shacabka Soomaalidu ay u baahan yihiin madax aan ka dhuuman oo toos ula falgasha.

Taabit Cabdi ayaa toosh ku ifiyay in madaxda qaar ay doonayaan ineysan wajihin shacabka iyo waaqica jira intaba taas oo uu sheegay inaan lagu heli karin xasilooni iyo aaminaad shacab.

Wuxuu soo qaatay qisooyin dhex maray intii uu xafiiska joogay isaga iyo mid ka mid ah golaha wasiirada ee xukuumada Somalia oo uusan magacaabin, Wuxuu kaloo ka sheekeeyay sida ay ilaaladiisu u arki jireen mar walba oo uu shacabka toos u dhex galo.

“Mudanayaal iyo marwooyin ,xaqiiqdii waxaan rabaa inaad ogaataan shacabka Soomaaliyeed waa dad la maamuli karo ,waxey rabaan madax u diyaar ah iney wax maamulaan, waxey rabaan madax kalsooni galisa oo aan baabuur qafilan isku xirin oo aan hoteelada ku dhuuman, waxey rabaan madax ay ka muuqato iney diyaar u yihiin iney naftooda u huraan”

“Waxaan xasuustaa intii aan xafiiska joogay Xamar waxyaabo badan ayaa ka dhacay oo ay qasab aheyd in shacabka la wajaho oo aan laga dhuuman , tusaale dhalinyarada ku shaqeysata gaadiidka Bajaajta ayaa waxaa dhibay ciidanka amniga, waa dul qaadan waayeen kadib magaaladii oo dhanbey xireen aadbeyna u badan yihiin dadka bajaajta ku shaqeysta ,markii magaaladii kala xirantay oo qofna uu udhaqaqi waayay ayaan go’aansaday inaad u tago oo aan la hadlo, waa 3 kun ilaa 4 kun oo dhalinyaro ah ,waa isgoyska KM4 ,halmarbey soo yaaceen oo dhexda igaliyeen ,waxaan qaatay cod baahiye waxaan ku iri wax walba oo aad rabtaan wa la idiin sameynaya ee rabashada joojiyay ,ciidanka ayaan la hadlay waxaan ku iri haloo fasaxo wadooyinka ay mari jireen dhibkana halaga dhaafo Bajaajleyda, mudaharaadkii wuxuu isku badalay farxad iyo sawiro, habeenkii ayaa waxaa isoo wacay nin Wasiir ah oo aan saaxiib nahay wuxuu igu yiri maanta waxaad ku sigatay in laguu dilo sidii Benazir Bhutto Ra’iisul wasaarihii Pakistan oo 2007 –dii la toogtay iyadoo shacab ku dhex jirtay, wuxuu igu yiri tooreeyay ayaa laguugu dili karay ee mar dambe dadkaan ha isku aaminin, waxaan ku iri geeridu waqti ayey leedahay laakiin waxaa muhiim ah in dadku ay dareemaan iney heystaan madax rabta iney u dhimato,

“Waxaan kaloo xasuustaa banaanbixii looga soo horjeeday Qaraxii Zoobe ee ka dhacay garoonka ciyaaraha ee Koonis, Aniga iyo shacabku waxaan kasoo lugeynay Koonis oo waxaan socod ku nimid Zoobe , mararka qaar waxaa dhaceysay in dhalinyaradu garbaha igu qaataan, waa kumanaan dhalinyaro ah oo aaney wax ilaalo ah noo dhaxeyn, Markii uu banaanbixii soo dhamaaday ayaa habeenkii xili dambe waxaa ii yimid wiil ilaaladeyda ka mid ahaa wuxuu igu yiri gudoomiye waxaan ka baqaya inaan Amnigaada ku guul dareysano maxaa yeelay shacabka lagaama celin karo adna ma rabtid inaad ka dhuumato, waxaan ku iri aniga shacabka ayaa ileh amniguna wuxuu ku jiraa inaan ku dhowaado ee kuma jiro inaan ka dhuunto, madaxda hada xilalka heysa waxaan lee yahay shacabka ku dhowaada oo kalsooni galiya sidaas ayaa lagu heli karaa Amni iyo Wadashqeyn.

Ugu dambeyn, Taabit ayaa sidoo kale ka hadlay jidadka maalmihii dambe ay Dowladdu xirtay bilaa qorshe oo ay hadana iska furtay bilaa cudur daar waxaana uu sheegay in muwaadiniinta Muqdisho aaney xaq u laheyn iney ku waabariistaan wado xiran oo sidii Webi la isaga kala gooshaayo.

PUNTLAND POST