Soomaaliland oo Hakisay Wada hadaladii Soomaaliya iyo Soomaaliland

Maamulka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay in muddo bil ah ay hakiyeen wada hadalo lagu waday in ay yeeshaan Maamulka Soomaaliland iyo Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

Dr Sacad Cali Shire wasiirka arimaha dibada ee maamulka Soomaaliland oo wariyaasha Hargeysa kula hadlay ayaa sheegay in Soomaaliland ay hakisay muddo bil ah in qabsoomida wada hadaladii labada dhinac.

Wasiir Sacad ayaa sheegay in wada hadalada guud ahaan aanay hakin Soomaaliland hayeeshee daruufo jiro aawgeed wada hadaladaasi loo hakiyay muddo bil ah.

“Wadda hadalada inaynu la galno waa arinkii baarlamaanku ansixiyey ee dawlad ahaan aynu qaadanay kamaynaan noqon balse wakhtigan xaadirka ah duruuftii saamaxaysay in la wada hadlaa ma jirto markaa mudo bil ah ayaanu dibu dhignay wada hadaladii” Ayuu yiri Wasiir Sacad.

Go’aankaan ay qaadatay Soomaaliland ee lagu hakiyay wada hadalo lagu waday in ay yeeshaan labada dhinac ayaa sabab u ah kadib markii dowlada Soomaaliya ay sharci daro ku tilmaamtay heshiiskii DP World iyo maamulka Soomaaliland waxaana xiisadaasi u dhaxeeysa Soomaaliland iyo Soomaaliya ee dhinaca warbaahinta ay cirka isku sii shareertay todobaadyadii la soo dhaafay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post