Madaxweynaha DF oo khudbo dhinacyo badan leh u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga soo qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Madaxwaynaha oo khudbad u jeediyey xubnaha labada Gole ayaa ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixinayaan ka mari dhalinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin iyo sida ay uga go’antaahy in ay kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

“Waxaa Ilaah Mahaddiisa ah, in goleyaasha baarlamaanka iyo laamaha kale duwan ee dowladda ay gacmaha is heystaan oo wada shaqeyn buuxda leeyihiin, taas oo keentay in wax badani ay inoo qabsoomaan, wax bandanna aan gacanta ku hayno, iyadoona in kale inoo qorsheeysantahay.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Farmaajo oo uga warbixiyey mudanayaasha Baarlamaanka siyaasadda dalka,amniga, dhaqaalaha, xiriirka caalamiga ah, dib u heshiisiinta iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah oo la shaqeynaysa Dowlad Goboleedyada dalka ay dhammeystirtay qorshaha abaabulka iyo howl gelinta ciidanka, si dalka looga xoreeyo cadawga Alshabaab.

“Dowladdu waxa ay dejisay istaraatiijiyadda difaaca dalka, waxaan bilownay isku-dhafka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo fududeynaysa in aan mideyno awooddeenna iyo cududdeenna si aan dalka u xoreyno.”

Madaxweynaha ayaa mar kale cusbooneysiiyey cafiskii uu u fidiyey dhallinyarada la marin habaabiyey ee ka tirsan Alshabaab, waxa uuna tilmaamay sida ay uga dhabeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya ballan-qaadkii ku aadanaa dadka ka waantooba falalka argagixisanimo.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka warbixiyey dadaallada ay ku bixisay Dowladda Federaalka kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka musuq maasuqa, dib u eegista Dastuurka, dib u soo celinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku jiray qaar ka mid ah xabsiyada dalalka shisheeye, la soo wareegidda maamulka hawada iyo dib u soo nooleynta kaalinta hoggaamineed ee Soomaaliya ay ku lahayd dunida.

“Waxaan dadaal adag ugu jirnaa in aan markii ugu horreysay hoggaaminno Urur Goboleedka IGAD oo aan ka mid nahay dowladihii asaasay. Waxaan haysannaa fursad aad u wanaagsan in naloo doorto jagadaas. Sidoo kale waxaan dadaal ugu jirnaa sidii Soomaaliya ay uga mid noqon lahayd ururka ganacsiga mideysan ee waddamada Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA.”Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in xiriirka ka dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka uu gaarsiisanyahay heerkii ugu sarreyey, iyadoona Isfahan iyo wada tashi uu asaas u yahay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan wada hadalladii ay Dowladda Federaalku la wadday Soomaaliland, ujeedkuna uu yahay in la gaaro mustaqbal wanaagsan iyo qarannimo ay ku faani karaan shacab Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah oo aan kala maarmin, wixii khilaaf ahna waxaan ku dhammeyn doonnaa miiska wada hadallada insha Allahu.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyey sida ay uga go’antahay ilaalinta iyo dhowrista Soohdimaha, xornimada iyo midnimada dalka Soomaaliyeed, xiriirkasta oo heer caalami ahna ay asaas u tahay danaha iyo sharciyada dalka.

Ugu dambeyn, Madaxaweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa.

PUNTLAND POST