Cabdi Faarax Juxaa oo maalinta berri ah Garoowe ku soo wajahan.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid(Juxaa) haatanna ah musharrax u taagan xilka madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019 ayaa maalinta berri ah ku soo wajahan magaalada Garoowe ee Caasumadda Puntland.

Mudane Juxaa oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa kamid ah siyaasiyiin la baxay”Puntland Focus Group” oo dhammaantood u sharraxan xilka madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019,sida ay xaqiijinayan dadka arrimahan la socda.

Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) ayaa mudada xil-heynteeda waxaa ka haray in ka yar sannad,waxaana durba soo baxay musharrixiin u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota.

PUNTLAND POST