Puntland oo shaacisay in 1.6 malyan oo reer guura ah ay abaartu saameysay guud ahaan degaannada Puntland.

Dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay Puntland ka jirto abaar daran oo saamaysay 1.6 malyan oo reer guura ah,kuwaasoo ku nool 234 degaan oo ka tirsan 9 gobol ee Puntland,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee Khamiista maanta ah.

Qoraalka ayaa lagu qeexay in 103.000 qoys oo kamid ah dadka ay abaartu saamaysay ay haatan ku jiraan xaalad adag,sidaasi darteedna loo baahanyahay in si wadajir ah loogu gurmado,haddii aan raxmad Alle shubin.

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo shirkan guddoominayey ayaa Golaha Wasiirada u sheegay in loo diyaar-garoobo,sidii wax looga qaban lahaa xaaladda abaarta ee ka sii daraysa,isagoo shacabka Puntland ee gudaha iyo debadda ugu baaqay in la mideeyo dadaalka loogu gurmanayo dadka ay abaartu saamaysay.

PUNTLAND POST