Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA oo maanta soo saaraysa digniin heerkeedu sarreeyo.

Hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa lagu wadaa in ay maanta sooo saarto digniin cusub oo ku aaddan khatarta ka soo wajahan abaaraha daba-dheeraaday ee ka jira degaannada Puntland cudurro laga soo sheegayo meelaha qaar.

Maareeyaha hay’adda Musiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdillaahi Cabdiraxmaan Ceerow ayaa la filaya in uu soo saaro digniinta oo ku socota degaannada miyiga ah ee Puntland,gaar ahaanna meelaha ay abaartu ku daba-dheeraatay ee dadkii iyo duunyaduba aadka u liitan.

Mudane.Ceerow ayaa la filaya in uu soo bandhigo warbixin ku saabsan heerka abaarta Puntland ka jirta iyo degaannada ay saamaynta ugu xun ku yeelatay oo laga cabsi qabo in xaaladoodu ka sii darto.

Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland Post