GUDOOMIYAHA CUSUB EE BOSASO OO XILKA LA WAREEGAY MAANTA

Bosaso[Puntland Post]-Duqa Cusub ee Degmada Bosaso Cabsalaan Bashiir Cabdisalaan  ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Duqii hore Degmada Bosaso Yaasiin Mire Maxamuud ka dib munasabad ka dhacday Xarunta guriga gobalka Bari,looga Arimiyo.

Munasabada xil wareejinta ah waxa ka soo qeyb galay Xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland Maamulka gobolka Bari, iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Duqii hore ee Degmada Bosaso Injineer Yaasiin  Mire Maxamuud oo ugu horeyn ka hadlay goobta ayaa sheegay inta uu xilka hayey in uu qabtay wax badan, isla markaana u la shaqeyn doono Maamulka cusub ee la soo Magacaabay.

Duqa cusub ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa dhankiisa sheegay in ay sharaf u tahay in uu la wareego xilkan, isla markaana howshii halkeedii ka sii wadi doono.

”Magaaladan waa Magaalo Soomaaliweyn ay degan tahay waana muhiim in laga shaqeeyo amnigeeda iyo nafaadeeda ayuu yiri Duqa cusub ee Degmada Bosaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo si ku meel-gaar ah xilkan u sii hayn doona.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST-BOSASO