Guddiga La-socodka iyo Dib-u-Eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa kalsoonidii kala laabtay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay ku eedeeyeen in uu curyaamiyay geeddi-socodkii dib-u-eegista Dastuurka dalka.
Qoraal uu guddigu soo saaray oo lagu wargeliyay madaxda dalka,sidoo kalena lagu socodsiiyay guddoonka labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xoosh marin-habaabiyay geedi-socodka dastuurka,sidaasi darteedna kalsoonidi wada-shaqeynta uu guddigu kala noqday.
Halkaan ka akhriso qoraalka guddiga
PUNTLAND POST