Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ayaa sheegaya in la qanciyay askar ka tirsan ciidanka Birmadka dowladda Puntland oo lawareegay xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Qardho,islamarkaana ay dib u fureen xarumihii ay saaka xireen.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland ayaa,sida wararku sheegayan askartaasi ugu yeeray xarunta gobolka ee magaalada Qardho,waxaana lagu wargeliyay in si dhakhso ah loo siinayo lacaga mushaharka ah ee ka maqan.
Askarta ayaa ka cabanaya mushahar la’aan haysata in ka badan saddex bilood,waxayna shalay Wasaaradda ka diideen in ay ka qaataan qeyb kamid ah mushaharkooda,inta kalena ay sugaan ilaa laga helayo,sida uu xaqiiyay mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo diiday in magaciisa la xigto.
PUNTLAND POST