Askar ka tirsan Ciidanka Birmadka dowladda Puntland ayaa saaka gebi ahaanba la wareegay xaruntii Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga magaalada Qardho,sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha Wasaaraddaasi.
Mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda oo diiday in magaciisa la xigto ayaa PUNTLAND POST u sheegay in askar hubaysan ay saaka la wareeegtay xaruntii Wasaaradda iyo Bangigii,islamarkaana ay dhammaan shaqaalihii ku amreen in ay isaga baxaan xafiisyada,kadibna ay albaabada isugu laabeen.
Dhinaca kale sarkaal ka tirsan askarta saaka la wareegay xarunta Wasaaradda iyo Bangiga ee magaaalada Qardho,ayaa PUNTLAND POST u sheegay in ay ka cabanayaan mushahar la’aan haysata in ka badan saddex bilood,taasoo ay Waaraddu ku fashilantay in ay siiiso,sida uu hadalka u dhigay.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaan weli wax jawaab ah ka bixin cabashada askartaasi ee ku aaddan in ay mushahar la’aan yihiin muddo saddex bilood,sidoo kalena ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Birmadka Puntland.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasaaradda Maaliyadda Puntland ay askarta u sheegtay in mushaharka qeyb la siinayo,balse ay diideen in ay mushahar kala dhimman qaataan,kadibna ay Wasaaraddu ku wargelisay in aan weli la hayn lacag lagu bixiyo musharkooda oo dhammaystiran,taasoo la sheegay in ay ka caraysan yihiin askartaasi.
Wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post