Magaalada Bosaso oo laga hir geliyey shirkad iibisa hilibka

Bosaso-[Puntland Post]-Shirkadda Nooceeda ku cusub yahay Puntland kana shaqeyn doonta hilibka ayaa markii ugu horeysay laga hirgaliyey Magaalada Bosaso ee Xarunta gobalka Bari,.

Shirkadan ayaa loogu magacdaray Rugsan waxana fikir keeda leh dhalinyaro.

Xafladda xarig jarka oo ka dhacday xarunta gudaheeda ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland, xildhibaano ka tirsanaa golaha deegaaanka degmada Bosaso iyo madax ka socotay Amal Bank.

Dr Cabdiqani Huurse ismaaciil oo ah Maamulha shirkada ayaa sharaxaya adeegyada ay shirkada Rugsan ay bixin doonto.

Shirkada Rugsan waxa ay ka shaqeyn doonta ibinta hilibka iyada oo la ilaalinayo tayada neefka la qalayo iyo caafimaadkiisa.

”Rugsan waxa ay u shaqeyn doonta qaab caalami ah oo dinida hor martay ay isticmaasho ‘

Shirkadda qof walba isagoo gurigiisa jooga ayuu ka helayaa hilibka tayo leh, waa shirkadda casri ah oo lagu soo kordhiyey markii ugu horeysay ”.Puntland ayuu yiri Sidaas wax yiri Madax shirkada Rugsan  Dr Cabdiqani Huruuse .

Isuduwaha wasarad Xanaanada Xoolaha ee gobalka Bari,Maxamed Warsame iyo Madaxa Arima Buslshada ee dawlada hoose xildhibaan Galeyr ayaa si wada jir ah u soo dhaweyey shirkadan waxana ay qireen in adeegyada noocan oo kale ah baahi loo qabay.

shirkadan Rugsan ka shaqeyn doonta iibinta hilibka iyada oo adeegsanaysa qalab casri ah ayaa noqonays markii ugu horaysa oo shirkada qaabilsan hilibka laga hirgaliyo Puntland .

Hoos ka Daawo Muuqalka

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso