Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa Puntland oo aqoonyahannada u qabatay dood cilmiyeed maamul wanaagga ah.

Dood-cilmiyeed ku saabsan doorka Aqoonyahannada ee sare u qaaddidda maamul wanaagga iyo La-dagaallanka musuq maasuqa oo ay soo agaasintay hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay Garoowe.

Shirkan dood-cilmiyeedka ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay aqoonyahanno,Culimaa’udiin,Siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa Puntland,Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa sheegay in ujeedka shirkaan loo qabtay yahay sidii bulshada loo fahamsiin lahaa maamul wanaagga la doonayo in uu Puntland ka taabba-gelo iyo musuq maasuqa la cirib-tirayo,si bulshada Puntland ay u hesho adeeg hufan.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in hammigoodu yahay in guud ahaan Puntland uu ka hirgelo maamul wanaag,islamarkaana la dabar-gooyo musuq maasuqa,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in arrintaasi lagu guulaysto.

Dhinaca kale Nimco Siciid Faarax oo matalaysay hay’adda UNDP oo fund-ka ka caawisa,hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa dowladda Puntland ayaa sheegtay in mar walba ay UNDP  u taagantahay maal-gelinta barnaamijyada looga hadlayo sare u qaaddidda maamul wanaagga iyo La-dagaallanka musuq maasuqa.

Dhammaan aqoonyahannadii iyo culimaa’udiinkii ka soo qeyb galay  dood-cilmiyeedka ayaa soo dhoweeyay dadaalka ballaaran ee hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La-dagaallanka Musuq maasuqa Puntland ee ku aaddan sare u qaadidda maamul wanaagga iyo la-dagaallanka musuq maasuqa,iyagoo tilmaamay in arrintaasi lagu heli karo siyaasad hufan iyo isla-xisaabtan,sidoo kalena dadweynaha ugu baaqay in ay dowladda kala shaqeeyan hirgelinta hawshaas.

Wasiirkii hore ee Amniga dowladda Puntland,Xassan Cismaan Alloore ayaa isaguna shirka ka sheegay in Puntland horumar ka samaysay sare u qaaddidda maamul wanaagga iyo La-dagaallanka musuq maasuqa tan iyo intii la dhisay hay’addaan.

Alloore oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale bogaadiyay hawsha ballaaran ee uu wado agaasime Cabdiraxmaan Cali Guureeye,taasoo la xiriirta taabba-gelinta maamul wanaagga iyo la-dagaallanka musuqa.

Halkaan ka daawo muuqaalka.

Hoos ka eeg sawirrada.

PUNTLAND POST