Shirkadda Golis oo si rasmi ah u Daah-furtay Adeega Internetka ee Viber Optic

Bosaso-[Puntland Post]-Munasabad balaaran oo lagu daah-furayey adeegga Internetka ee Viber Optic ayaa lagu qabtay magaalada Bosaso, iyadoo ay ka soo qeyb galeen madaxda Shirkadda Golis iyo Bulshada qeybaheeda kale duwan.

Maareeyaha guud ee Shirkadda Golis Saciid Aadan Axmad oo ugu horey ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Shirkadda in muddo ah ay ku howlanayd in ay keento adeeggan, balse markii dambe lagu guuleystay

Adeeggan si hufan  ayuu u shaqeenayaa, dadweynaha in muddo ah ayey dhegaha u taagayeen, maanta waxaa soo gaarnay waqtigii la daah-furi lahaa, waana daah-furnay ”ayuu yiri Maareeyaha guud ee Shirkadda Golis Saciid Aadan Axmad.

Madaxa suuq geynta  Shirkadda Golis Sheekh Fu’aad ayaa sidoo kale ka hadlay goobta, waxa uuna sheegay in mashruucan uu yahay mashruucii ugu qiimaha badnaa ee Soomaali maal geliso oo dalka la keeno.

”Maanta waxaan helnay adeeg Internet  oo xawaarihiisu sareeyo, isla markaana qiima jaban ayuu yiri  Sheekh Fu’aad.”

Gudoomiyaha  Gobolka Bari Yuusuf  Maxamad Waceys Dhedo  oo ugu dambeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in Shirkadda Golis ay ka qeyb  qaadato hormarinta arrimaha bulshada, sida abaarihii ka dhacay  dalka iyo dib u dejintii dadkii ka soo qaxay dagaalka dalka Yemen.

Waa markii ugu horeysay ee Mashruucan laga  hir geliyo deegaanada Puntland-Soomaaliya.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso