Wariye Colaad oo Idaacada VOA-da uga warami jiray Muqdisho oo Xalay Geeriyooday


Muqdisho (PP) ─
Wariye idaacadda VOA-da uga warrami jiray Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Axmed Xasan Colaad ayaa xalay si lama filaan ah ugu geeriyooday isbitaal ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Marxuum Colaad ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun kaddis ah oo kusoo booday gellinkii dambe ee shalay, waxaana wararku ay sheegayaan in uu dhiig kaga furmay madaxa.

“Allaha u naxariistee Axmed Xasan Colaad, wuxuu ka mid ahaa suxufiyiinta ka hawlgala VOA-da, isla markaana wararka uga diri jiray Muqdisho, xalay ayuuna si lama filaan ah ugu geeriyooday isbitaalka Kulmiye oo degmada Boondheere ku yaalla,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada marxuumka oo la hadlya warbaahinta.

Sidoo kale, Wariye Colaad ayaa barnaamijkii ugu dambeeyay ee uu ka sii daayo VOA-da wuxuu ahaa barnaamij 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka baxay idaacadda, sida ay sheegeen qaar ka mid ah hawlwadeennada idaacadda.

Dhanka kale, Wariye Colaad ayaa wuxuu kasoo shaqeeyay idaacado kala duwan oo ku yaalla Muqdisho, waxaana ka mid ahayd Idaacaddii HornAfrik oo ahayd idaacadii ugu horreeyay oo FM ah oo laga hirgeliyo Muqdisho xilliyadii sagaashameeyadii.

Ugu dambeyn, Marxuumka oo ifka uga tagay laba gabdhood iyo laba wiil ayaa la filayaa in maanta lagu aaso Muqdisho, waxaana geeridiisa ay si aad ah uga nixisay asxaabtiisii iyo qaraabadiisii.

PUNTLAND POST