OIC oo bogaadiyay doorashadii Baarlamanka Djibouti

Ururka Iskaashiga islaamka ee (OIC) ayaa dad weynaha Jamhuuriyadda Djibouti ku hambalyeeyay sida guusha ah ee ay u dhacday doorashadii Baarlamanka dalkaas ee shalay la qabtay.

Xog-hayaha guud ee Ururka Iskaashiga islaamka ,Dr. Yousef bin Ahmed Al-Othaimeen ayaa qoraal uu soo saaray ku bogaadiyay sida ay u qabsoontay doorashada,isagoo xukuumadda iyo shacabka Jamhuuriyadda Djibouti u rajeeyay guul iyo barwaaqo.

Dr. Yousef bin Ahmed Al-Othaimeen wuxuu sheegay in doorashadaasi ay ahayd mid xor iyo xalaal ah oo si hufan u qabsoontay,islamarkaana aysan wax mugdi ah ku jirin

PUNTLAND POST