Khasaarihii ka dhashay weerarradii Muqdisho oo kordhay iyo Dowladda oo ka hadashay

Muqdisho (PP) ─ Inta la ogyahay in ka badan 30-qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna waxay ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay iyo weerarro xalay ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo mas’uuliyadooda ay sheegatay kooxda Al-shabaab.

Wasaaradda Amniga Somalia ayaa sheegay in dadka dhintay ku jiraan shan qof oo ay sheegeen inay soo qaadeen weerarkii lagu doonayay in lagu galo gudaha xarunaha madaxtooyada Somalia.

Xaaladda goobihii ay dagaalladu iyo qaraxyadu ka dhaceen ayaa saakay ah kuwo deggen, iyadoo aanay jirin wax dhaqdhaqaaqyo ah oo ka socda, balse waxaa goobta ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaliya.

“Weerarkan waxaan soo qaaday Al-shabaab, waxaana lagu guuleystay in la fashiliyo, runtiina guul weyn ayay noo ahayd inaan dilno kooxihii weerarkan soo qaaday,” ayu yiri Afhayeenka wasaaradda amniga Qarnka, Cabdicasiis xildhibaan oo warbaahinta la hadlya.

Mas’uuliyiinta Dowladda Somalia ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay gacan ku siiyaan ciidamada amniga sidii looga hor-tegi lahaa weerarrada noocan oo kale ah.

Dhanka kale, Kooxda Al-shabaab oo ka hadashay weerarradan ayaa sheegtay inay ku beegsadeen saraakiil sare oo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa hoteelka Doorbin oo dhawaan laga furay agagaarka FIAT oo ah halka loo yaqaan KM-0.

Kooxda ayaa sheegtay inay weerarkooda ku dileen tiro saraakiil ah oo ka tirsan dowladda Somalia, balse ma aysan carrabaabin tiradooda, waxaana weerarradan ay imaanayaa iyadoo xalaadda amni ee Muqdisho ay ahayd mid deggen muddo bil ka badan.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu ka mid noqonayaa weerarrada ay Kooxda Al-shabaab ka geysato Muqdisho, iyadoo la xusuusto in weerarkii ugu khasaaraha badnaa uu ahaa midkii dhacay 14-kii Oktoobar 2017-kii oo ay ku dhinteen 512-qof.

PUNTLAND POST