Erdogan oo todobaadkan booqanaya dalal ku yaalla Afrika.

Madaxweynaha dalka Turkiga,Recep Tayyip Erdogan ayaa todobaadkaan booqasho shan maalmood ah ku bixinaya afar dal oo ku yaalla Qaaradda Afrika,sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada dalkaasi.

Madaxweyne Erdogan ayaa booqanaya dalalka,Algeria, Mauritania, Senegal iyo Mali,isagoo la kulmi doona dhammaan madaxda dalalkaasi,kuwaasoo la filayo in uu kala hadlo xiriirka laba-geesoodka ah,iskaashiga ganacsi,kan amni iyo arrimaha gobolka.

Shirku saabsan arrimaha ganacsiga ayaa sidoo kale la filaya in Erdogan kaga qeybgalo dalka Algeria,halkaasoo ay ka bilaabanayso booqashadiisa maalinta isniinta ah ee soo socota,sida ay sheegtay warbaahinta Turkiga.

PUNTLAND POST