AMISOM oo Dalbatay in Loo Kordhiyo Waqtiga ay Sii Joogayaan Soomaaliya

Francisco Madeira, oo ah ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somaliya, ayaa sheegay in aanan lajoogin waqtigii ciidamada midowga Africa ay iskaga bixi lahaayeen Somaliya asagoona codsaday in loo kordhiyo waqtiga ay ka sii hawl gali karaan Somalia.

ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia ayaa dalbaday in waqtiga hawl-gal kooda Somalia lagaarsiiyo sanadka 2021, si ay caawinaad uga gaystaan ladagaalanka iyo cirib tirka  Al-Shabaab.

Madeira, ayaa sidoo kale sheegay in u jeedada ay Somalia u imaadeen ay tahay sugida iyo horumarinta amaanka, asagoona intaasi sii raaciyay in ay rajo wayn ka qabaan in ay Somalia soo hagaagto ka hor 2021.

Ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia ayaa ka dhawaajiyay in horumaro farabadan ay ka sameeyeen gudaha Somalia, asagoona sidoo kale sheegay in ay jireen caqabado farabadan oo soo wajahay 11 sano oo ay AMISOM ka hawl galaysay Somalia.

Bishii August 2017’dii ayay ahayd markii golaha amaanka Qaramada midoobe ay ansaxiyeen Qaraar ay AMISOM uga sii hawl gali karto Somalia, inkastoo dhimis lagu sameeyay ciidamada Amisom ayadoona masuuliyada inteeda badan dusha laga saaray ciidamada qaranka Somalia.

ergayga gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan Somalia Francisco Madeira, ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan taageerida iyo garab istaaga dowlada Faderalka inta lagu guda jiro xaaladda kala guurka.

“Dhamaanteen waxaan isku raac sannahay, in aan wajahno qatarta Al-Shabaab, taas oo haddii aanan ka hortagin saamayn ku yeelan karto dhamaan qaaradda oo idil, ” ayuu yiri Mandera.

Mandera ayaa sido kale difaacay eedeemo loo soo jeediyay, ciidamada AMISOM asagoona soo dhaweeyay in Somalia ay ka dhici karto doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Ciidamada midowga Africa ayaa Somalia waxa ay ka wadeen how galo ay ku baacsanayaan  Al-shabaab in kabadan 10 sano, ayagoona sheegay tan iyo waqtigaasi in horumaro balaaraan ay ka sameeyeen hawl galadooda Somalia.

Waxaa xusid mudan in ciidamada AMISOM ay isku diyaarinayeen qorshe ay uga baxayaan dalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST