Yaa ka mid ah Xubnaha ugu Cad-cad ee laga yaabo in ay bedelaan Hailemariam Degalegn?


Addis Ababa (PP) ─
Iyadoo toddobaad ka hor uu xilkii iska-casilay Ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya, Hailemariam Degalegn ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan cidda bedeli doonta.

Ilo wareedyo ku dhaw xukuumadda Itoobiya ayaa laga soo xigtay in afar qof midkood laga yaabo in laga dhigo Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya oo aan la ogeyn xilliga lagu dhawaaqi doono.

Xubnaha ugu cad-cad ee loo maleynayo in xilkan loo magacaabo ayaa waxaa ka mid ah; Lemmy Megersa oo ah Madaxweynaha Ismaamulka Oromada ee dalka Itoobiya, Debretsiyon Gebremikael oo ka tirsan xisbiga TPLF, Demeke Makonnin oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Amxaarada iyo Abiyi Ahmed oo isna ka tirsan xisbiga OPDF.

Dhammaan xisbiyada ay xubnahan ka socdaan ayaa waxay ka tisran yihiin xisbiga talada dalkaas haya ee EPRDF, waxaana go’aanka kama dambeysta ah iska leh mas’uuliyiinta xisbiga talada dalkaas haya.

Tan iyo markii uu xilka ka dagay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, waxaa ka dhacaya dalkaas dibadbaxyo ay dhigayaan qowmiyadaha dalkaas ugu tirada badan ee Orormada iyo Amxaarada, kuwaasoo ka cabanaya sida ay sheegeen xadgudubyo lagula kacay.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee talada ka dagay, Degalegn ayaa is-casilaaddiisa ku sheegay inay muhiimad weyn u leedahay isbedello dhanka siyaasadda ah oo ka dhaca dalka Itoobiya, isagoo sheegay in go’aan shaqsiyan ah uu uga dagay xilka oo aanay jirin cid ku qabsabtay inuu kursiga banneeyo.

Dalka Itoobiya ah oo ka mid ah dalalka ugu dadka badan Qaaradda Afrika isla markaana uu dhaqaalihiisu aad u kobcayay ayaa waxaa lagu soo rogay xukun deg-deg ah si bannaanbaxyada rabshadaha wata xal loogu heli lahaa.

Ugu dambeyn, Qowmiyadaha dagga dalka Itoobiya ayaa waxaa ugu badan qowmiyadda Oromada waxaana cadadkooda lagu sheegayaa 34.4%, halka Amxaara lagu sheego 27%, Soomaalida lagu sheego 6.2% Tigreega lagu sheego 6.1% iyo kuwa kale oo lagu sheego 26.3%.

PUNTLAND POST