MAAREEYE: Haddii aan Midnimada Dalka laga shaqeyn innagu waan ka baxaynaa Dowldda


Muqdisho (PP) ─
Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], ayaa sheegay in haddii aan laga shaqeyn midnimada Somalia ay iyagu ka bixi doonaaan dowladda dhexe ee Somalia.

Maareeye ayaa ka digay in dowlad mucaarad ku ah Somaliland Muqdisho laga dhiso, wuxuuna ku taliyay in lala galo Somaliland wadahadalo is-faham iyo wax wadaqeybsi ku salaysan.

Wasiir Xayir ayaa sheegay in isagu uu yahay shaqsi matala shacabka ku nool Somaliland, haddii la isku dayo in la Qiyaameeyo wadahadalada lala galayo Somaliland ayuu xusay in isaga iyo xildhibaannada kale ee matala maamulka Somaliland ay isaga tagayaan Dowladda.

‘Aniga iyo Xildhibaanno kale oo baarlamaanka ka tirsan, waxaan wakiillo ka nahay shacabka ku nool Somaliland, haddii aan laga shaqeyn Midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeedna waan isaga baxaynaa dowladda,” ayuu ku cel-celiyay Maareeye.

Maareeye oo ka mid ah xildhibaano kasoo jeeda Somaliland laakiin lagu soo doortay Muqdisho ayaa warkiisan wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan Somaliland ay cafis u fidisay – Maxamed C/llaahi Oomaar oo horaye uga soo noqday wasiirkii arrimaha dibadda ee Dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowlada Federalka Somalia ayaa waxaa haatan ay wajahaysa culeys xoog leh oo kaga imanaya sidii loo qaban lahaa doorashada qof iyo cod oo ay sheegtay in ay ka dhacayso dalka Soomaaliya sannadka 2020-a.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan ay wadahadallo uga furmaan dalka Jabuuti, kuwaasoo gogol-xaar u noqonaya wadahadallo u dhexeeya labadan dhinac oo ka dhaca Switzerland.

PUNTLAND POST